Qoddobada Heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland

Jimco, January 16, 2009(HOL): Xukuumaddaha Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shalay kala saxeexday Heshiis ka kooban qoddobo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid tahay in la soo celiyo Xafiisyadii labada dhinac ku kala lahaayeen Magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa.

Wefti heer Wasiir ah oo ka socda Somaliland, isla markaana maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay Dalka Jabuuti ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti la saxeexday Heshiis ka kooban 6-qodob. Iyaga oo shalayna Aqalka Madaxtooyada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku suntanaa Afhayeenka Weftiga, isla markaana ah Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Caddaani Mooge, kulanka dhex maray Weftiga heerka Wasiir oo uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo Jabuuti ee dhinacyada Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo qoddobo kale.

Talaadadii dorraad ayay ahayd markii Wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uu ugu baaqay Madaxweyne Rayaale in uu qaado Jidka Siyaasadeed uu Madaxweynaha Jabuuti ku hoggaamiyo Dalkiisa, isla markaana uu ku daydo, si loo gaadho buu yidhi, “Horumarka ay Jabuuti gaadhay ee uu ku hagay Madaxweyne Ismaaciil Geelle.” Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Jabuuti, ka dib kulan Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayaa la yeesheen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jabuuti.

Weftigan heer Wasiir ee Somaliland ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, ka dib socdaalkaas ay ku tageen dalka Jabuuti.

Qoddobada Heshiiska dhex maray Jabuuti iyo Somaliland:

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Weftiga Somaliland, Dhinacyadii uga kulamadaa uga qayb galay Labada dhinac ee Jabuuti yo Somaliland ayaa qoddobada Heshiiska ay Qalinka ku duugeen waxay u dhignaayeen sidan;
1) In sida ugu dhakhsaha badan labadii Xafiis si dhakhso ah looga furo labada dal.
2) In labada dhinac iska kaashadaan dhinacyada, Nabadgelyada, siiba La-dagaalanka falalka argogixiso, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo ganacsiga.
3) In Jamhuuriyadda Jabuuit gacan ka siiso Somaliland tabobarada Ciidamada nabadgelyada.
4) In Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka taageerto Somaliland tabobarada Shaqaalaha.
5) In labada dal ay iska kaashadaan qabashada iyo isu soo celinta dembiilayaasha.
6) In labada dhinac ay isu fududeeyaan isu socodka ganacsiga labada Bulsho

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland