Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo toogtay mas’uul ka tirsanaan Maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba

Jimco, January 16, 2009(HOL):  Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa shalay gelinkii dambe wuxuu dil toogasho ah ku fuliyay mas’uul ka tirsanaa Maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee horay uga talin jiray Gobollada Jubbooyinka.

Xogahayaha Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa ka hadalay sababta keentay in la toogto mas’uulkaas oo lagu magacaabi jiray C/ramxaan Waldiire, wuxuuna sheegay in ninkaas uu ku lug yeeshay sida uu u yiri la-dagaalanka dadka Muslimiinta ah, isla markaana uu gacan-siinayay Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyooyinka Barre Hiiraale hoggaaminayo.

“Ninkii Gaalada la jira ee Muslimiinta ka soo horjeysta waa la dilayaa, Maxkamaddana waxay u cuskatay {Ma Badala Diinahu Faqtuluuhu}”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali oo sheegay in markii ay Magaalada Kismaayo la wareegayeen ay horay u qabteen hayeeshee ay wada hadal kadib sii daayeen.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Shiikh Xasan Yacquub

“Qofkii gaalada garab-siiya Diinta Islaamka waa ka ridoobayaa, qofkii Islaannimadiisa ka ridoobana waana la dilayaa, Shareecadaha Islaamka ma sheegeyso in xabsi daa’in lagu xukumo, in la ganaaxo ma sheegeyso in la masaafuriyo ma sheegeyso in la dilo ayay sheegeysaa”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali.

C/raxmaan Waldiire ayaa wuxuu ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ugu firfircoonaa Maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee Gobollada Jubbooyinka ka talin jiray, wuxuuna ka qeybgalay shirar badan oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan midkii ugu dambeeyay ee Kenya lagu qabtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia