Arbaco, January 14, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa isaga baxay fariisimo ay ku lahayeen Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin.
Ciidamadan oo qaarkood ay lugeynayaan, qaar kalena ay saaran yihiin Gaadiid Dagaal iyo Midka Ciidamada daabula ayaa waxaa la arkayay iyagoo socod ku maraya Wadada isku xirta Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Intii Ciidamada ku socdeen wadadaas ayaa waxaa weerar ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah ku qaaday Xoogagga Muqaawamada ee dagaalka kala soo horjeeda, waxaana kadib dhacday is-rasaaseyn waqti kooban socotay iyo madaafiic laga soo tuuray Xarunta Villa Somalia oo ku dhacday xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha Geed Jaceyl iyo Xerada Shiikh Aadan Dheere.
Waa fariisinkii labaad oo ay ka guuraan Ciidamada Itoobiya, waxayna horay uga guureen Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, waxaana ka bixitaankooda fariisimadaas si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.
Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qeyb ka yahay fulinta Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo, in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya iyo in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran.
Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho galay 28-kii December 2006 ayaa waxaa ka soo wareegatay joogitaanka magaalada Muqdisho 748 maalmood, waxaana tan iyo xiligaas ka dhacayay Magaalada Muqdisho dagaallo dhexmaray iyaga iyo Xoogag Muqaawamo ah oo ka soo horjeeda.
War la xiriira Warkan:
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Warshaddii Baastada iyo Xeyla Bariise-HOL
Wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqyada ay Ciidamada Itoobiyaanka ku baxayaan kala soco halkan
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia