Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in haddii ay Ciidamada Itoobiya Ciidan ahaan u baxaan ay Siyaasad iyo Ammaan ahaan ugu jiraan Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, January 14, 2009(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegay in haddii ay Ciidamada Itoobiya Ciidan ahaan u baxaan ay siyaasad ahaan iyo ammaan ahaan ku jiraan Soomaaliya.

“Itoobiya haddii ay Ciidan ahaan u baxdo waxay Soomaaliya ugu jirtaa Siyaasad iyo Ammaan ahaan, waxaana taasi laga dhadhansan karaa sida ay marba mid u bedelayaan qolada TFG-da ee ay sheegaan in ay gacan siinayaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir oo soo dhaweeyay xaafadaha ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya ee magaalada Mqudisho ayaa wuxuu sheegay in uu dhinaca kale ka xun yahay in ay Ciidamada Itoobiya gobollo kale soo galeen, kuwaasi oo uu ka xusay Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo.

Shiikh Xasan Daahir oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada in ay la heshiiyaan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti mar haddii ay Ciidamada Itoobiya ku baxayaan wada hadal uu la galay Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in aysan taasi dhici karin oo ay Xubnaha Isbaheysiga Jibouti la heshiiyeen TFG-da oo sida uu yiri dalka Soomaaliya soo gelisay Ciidamada Itoobiya.

Hadalka uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beemayaa iyadoo habeen hore ilaa iyo maanta ay magaalada Muqdisho ka baxayaan Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo saraakiishooda sare ay sheegeen in bixitaankooda uu la xiriiro fulinta heshiiskii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay  dhawaan Jibouti ku gaareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia