Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay in Itoobiya ay ka baxo Gudaha Wadanka Somalia

Cabirka Farta

Arbaco, January 14, 2009(HOL): Dhawaan dawladda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadeeda  kala baxayso gudaha dalka Somalia, iyadoo durbadiiba ay ciidamadu bilaabeen in qalabkooda  ka xir xirtaan fariisimaha ay ku leeyihin magaalada Muqdisho.

Magaalada Boosaaso waxa ay ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga hadal hayo bixitaanka ciidamada Itoobiya iyo waxa xigi doono mar haddii ay baxaan ,waxaana la aamin sanyahay in Ciidamada Itoobiya ay caqabad ku ahaayeen daganaanshaha magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Boosaaso ayaa soo dhaweeyay in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Magaalada Muqdisho, si loo helo xal looga gudbi karo mashaakilaadka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka somaalia ,waxaana arimahaan ay ku soo beegmayaan iyadoo wali aan la dooran Madaxwayne Somaaliyeed.
 
Su’aalaha kale ee shacabka Boosaaso ay is-waydiinayaan waxa ka mid ah in Itoobiya ay saamayn ku yeelan karto daganaanshaha Somalia, iyadoo wali ay jiraan dhinacyo is-diidan, kuwaasi oo ku hardamaya meelo ka midah Koonfurta dalka.
 
Waxaa la aaminsanyahay in bixitaanka Itoobiya uu ku yimid heshiis ay ka dhacay dalka Jabuuti, kaasi oo lagu xeeriyay in Ciidamada Itoobiya ay baxaan, waxaana inta badan shacabka Boosaaso ay qabaan in Somalia ay xiligan is-fahmi karto.
 
Ugu dambeyntii shacabka Puntland ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay ay dhex dhexaad ka noqoto siyaasadda Wadanka Somalia, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ciidamada Shisheeye la keeni doono gudaha Somalia.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia