Arbaco, January 14, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii ay guryahooda ugu soo noqon lahaayeen dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay xaflad lagu sagootinayay Ciidamada Itoobiya oo ka dhacday guriga uu Muqdisho ka degan yahay ayaa wuxuu u sheegay madaxda maamulka Gobolka Banaadir in ay ku dadaalaan sidii ay dadkaas guryahooda ugu soo noqon lahaayeen bacdamaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan xaafadahooda.
Beesha Caalamka ayuu ka codsaday Ra’iisal Wasaaraha in ay gacan ka geysato sidii ay dadkaas guryahooda ugu noqon lahaayeen, isla markaana ay u heli lahaayeen agabyadii kaga baaba’ay dagaalladii Muqdisho ka socday mudada labada sano ka badan.
Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa madaxdiisa markii la dooranayay waxay sheegeen ay guryahooda ku soo celin doonaan dadkii Muqdisho ka barakacay, isla markaana ay furi doonaan waddooyin badan oo ku xirmay magaalada Muqidsho, inkastoo aaney ilaa iyo haatan qaadin wax tallaabo ah oo arrintaas ku saabsan.
Dad badan oo ka qaxay nabadgelyo-darrada Muqdisho oo ku nool inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan waxay sugi la’ yihiin in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka wada dhamaadaan Magaalada Muqdisho, waxayna qaar ka mid ah Dadkaasi oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay muddo dheer kadib ay guryahooda dib ugu soo noqdaan.
Ugu dambeyntiina, Dadkani diyaarka u ah in ay ku soo noqdaan Xaafadahooda Muqdisho ayaa waxay isugu jiraan kuwo guryahoodii ay Madaafiic dhulka la simeen iyo kuwo burbur la dayactiri karo uu soo gaaray iyo kuwo ay guryahoodii noqdeen meel duur ah oo kale kadib markii ay geedo ka baxayeen muddo dheer.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia