Arbaco, January 14, 2009(HOL): War farxad leh oo waliba u roon inta badan dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaami karaa in la maqlo Ciidamadii Itoobiya ee labadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq u muuqda in ay u jiheysteen dhinaca dalkoodii Itoobiya, iyaga oo waliba qalabkoodii Miletari ka gurtay afar ka mid ah Xeryahoodii ugu waa weynaa Magaalada Muqdisho.
Marka laga soo tago dadka ku dhaqan Caasimada Muqdisho oo culeyska intiisa badan uu saarnaa, hadana Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa ay ka mid tahay qeybaha dalku ka kooban yahay ee sida weyn looga soo dhaweeyay war ku saabsan in ay baxayaan Ciidamada Miletariga Itoobiya.
Marka aad fariisto goobaha lagu (Qaxweeyo) waxaa ay Indhahaagu qabanayaa dad isugu jira Waayeel iyo Dhalinyaro si wada jir ah isku dhaafsanaya erayo u badan sida ay ugu faraxsan yihiin ka bixitaanka Ciidamada Itboobiya ee dalka Soomaaliya, laakiin hadana waxaa taa bar bar socda doodo ku saabsan waxa Muqdisho ay ku danbeyn doonto marka ay ka wada dhamaadaan Ciidamada Itoobiyaanka.
"Markii hore Muqaawamadu waxaa ay ku sii wada jeedeen Ciidamada Itoobiya iyagoo u arkayay Cadaw ku soo duulay Diinta, hase ahaateen marka ay dalka ka wada dhamaadaan waxaan ka cabsanayaa in kuwii Jihaadka ka wada qeyb-galay hadana uu dagaal dhexmaro, waxaanse ka fikirayaan hadiiba uu dhaco dagaalkaasi magaca loo bixinayo, waayo dagaalladii ugu danbeeyay ee Muqdisho ka dhacayay waxaa ay ahaayeen kuwo loogu wan-qalay Jihaad” sidaa waxaa HOL u sheegay Wiil dhalinyaro ah oo dhinaca kale ku tilmaamay rajadiisa mustaqbalka dhaw in aysan aheyn mid qurux badan.
Laakiin dadka oo idil ma'aha kuwo qabo fikradaas oo kale, qaarkood ayaa kuu sheegaya mar haddii ay meesha ka baxdo Itoobiya in Soomaalidu heshiin doonto, maxaa yeelay ayay leeyihiin waa laga soo gubay xiligii Qabiilka sidoo kale waxaa laga soo gudbay waqtigii hoggaamiye kooxeedyada mana jiro micno lagu dagaalamo.
Inkastoo Saacadihii aynu soo dhaafnay shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ay ahaayeen kuwo diiraddu u saaran tahay Caasimada Muqdisho iyo dhaq dhaqaaqyada Miletari ee ka jira, ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay qaarkood si kaftan ku jiro isku weydiinayaa su'aasha ah '' Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Kala-beyr ma waxey noqon doonaan kuwa ugu danbeeya ee dalka ka baxa?.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia