Arbaco, January 14, 2009(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu shaaciyay shuruudaha laga doonaya qofka isu soo sharaxaya jagadaas.
Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mid ah Guddigaas ayaa saxaafadda u sheegay in qofka uu hunguri kaga jiro jagadaas laga doonayo Warqad Codsi, Taariikh Nololeedka, 2 sawir oo nooca Baasaboorrada lagu dhejiyo ah iyo lacag dhan 2 Kun oo Doollar ama Shilin Soomaali u dhegma, inkastoo uu sheegay in lacagaas wax ka bedel lagu sameyn karo.
Xildhibaan Xiddig waxaa uu sheegay in Musharaxa soo buuxiya Shuruudahaas laga doonayo in uu 24-ka Bishan hor-tago Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu soo bandhigo Waxyaabaha uu doonayo in uu qabto marka uu Madaxweynaha noqdo, isagoo xusay in 26-ka bishan ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddigan diyaarinaya doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan magacaabay sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo sheegay in iyadoo la dhowrayo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya madaxweyne loo doonayo Dowladda Federaalka Soomaaliya 26-ka Bishan Janaayo.
Haddaba iyadoo uu Sii hayaha Madaxweynaha Soomaaliya uu sidaas leeyahay ayaa hadana dhinaca kale waxaa qoraal uu soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah lagu sheegay in dhamaadka bishan la soo dhisayo Dowlad-Midnimo-Qaran, taasi oo ay ka wada qeybgelayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo isla warkanna horay loogu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia