Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta


Dhismaha Xarunta Warshaddii Baastada oo ay ku sugan yihiin xoogag Islaamiyiin ah  kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya


Talaado, January 13, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ahayd ku sugnaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay ka baxeen xaafado ay ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaalla.

Ciidamadan oo xalay fiidkii ilaa saqdii dhexe ka baxayay fariisimo ay ku lahaayeen Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa waxaa ka bixitaankooda fariisimadaas soo dhaweeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.

Caruur ku ciyaareysa qalfoofka hub aan wax isticmaal ah lahayn oo yaala gudaha Xarunta Warshadda Baastada
Dadweyne aad u badan ayaa saaka waxay isugu soo baxeen Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeyla Bariise iyo weliba qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, iyadoo la arkayay dadkaas oo si weyn isugu hambalyeynaya, isla markaana ku faraxsan in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Magaalada Muqdisho.

Fariisimada ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen ayaa waxaa haatan ku sugan Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo haatan lagu arkayay gudaha fariisimada ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.

Shiikh Xasan Mahdi, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo ka kala tirsan garabyo ay u kala baxeen Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay intuba isku raaceen in fariisimada ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya ay gacanta ku wada hayaan xoogagga Mujaahidiinta.

Dhanka kalena, waxaa jira warar laga helayo dhinaca Guddiyada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo sheegaya in saacadaha soo socda ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Magaalada Muqdisho, iyadoo inta aysan Ciidamadaasna dhaqaaqinna xaflad sagootin ah loogu sameyn doono Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay Ciidamada Itoobiya baxaan, iyagoo la dareemayo in culeys badan oo hayay Dadka Muqdisho uu ka degay kadib markii ay qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya ka baxeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Xoogagga la wareegay Xarunta Warshadda Baastada

Gaari Dagaal oo ay wataan Xoogagga la wareegay Xarunta Warshadda Baastada

Kabihii ay ka tageen Ciidamada Itoobiya

Mid ka mid ah dhufeysyadii ay ku jireen Ciidamada Itoobiya

Gabdho muujinaya in ay tageen Warshadda Baastada oo ay waxna ka soo qaateen

Dhufeys kale oo ay ku jireen Ciidamada Itoobiya

Dadkii isugu soo baxay Wadada hormarta Fariisimada ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia