Talaado, January 13, 2009(HOL): Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta sii daysay tiro dad ah oo ka mid ah dadkii u xidhnaa baadhistii Qaraxyadii lala beegsaday saddex goobood oo Hargeysa ah 29-kii bishii October ee sanadkii tegay.
Dadkan Maxakamaddu sii daysay ayaa ilo lagu kalsoon yahay oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku dhaw-dhawi waxay sheegeen in tiradoodu gaadhayso ilaa tobaneeyo qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, isla markaana ay Maxkamaddu oodda ka qaadday ka dib markii ay wax dembi ah ku wayday. Dadkan oo ka mid ahaa tiro rasmiyan aan la cayimin oo Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa lagu xidhay waqtiyadii ay socdeen Baadhitaannada ciddii ku lug lahayd Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee 29-kii bishii October 2008 lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xafiiskii Ganacsi ee Itoobiya ku lahayd Hargeysa iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa.
Weeraradaas oo ay ku dhinteen 24-qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28-qof ayay Xukuumadda Somaliland baadhitaanno ay samaysay ku sheegtay inay heleen caddaymo muujinaya in Ururka Al-Shabaab uu ka dambeeyay, isla markaana uu fuliyay. Isaga oo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Shir-jaraa’id oo uu qabtay bishii November ee sanadkii tegay uu ku sheegay in qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ururka Al-Shabaab ay qirteen, Hase ahaatee, sida laga war qabo ma jiro War rasmiyan si toos ah uga soo baxay Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland