Dagaallo dhaca haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan oo laga digay

Cabirka Farta

Talaado, January 13, 2009(HOL): Culumaa’udiin, Odayaal Dhaqameedyo, Hor-joogayaasha Xoogagga Muqaawamada ee ka dagaallama Soomaaliya iyo Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa waxya ka digeen in uu dhaco dagaal u dhaxeeyo xoogagga Muqaawamada kadib marka ay baxaan.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ah Madaxa Culumaa’udiinka dhexdhexaadinta ka dhex wada xoogagga Muqaawamada ayaa sheegay in aan loo baahneyn dagaal ay iskala hor-yimaadaan Xoogaggii la dagaallamayay Ciidamada Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay in Xoogagga Muqaawamada ay deganaan muujiyaan.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa ka digay in uu is-af-garan waa dhexmaro Xoogagga Muqaawamada, wuxuuna ku baaqay in ay arrintaas ka feejignaadaan Xoogagga Mujaahidiinta.

Waxaa uu sheegay C/raxiin Ciise Caddow in haatan uu muuqdo  is-faham u dhaxeeya Xoogagga Muqaawamada, kuwaasi oo uu cadeeyay in ay haatan ku wada sugan yihiin fariisimadii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa isna ugu baaqay xoogagga Muqaawamada in ay ka digtoonaadaan in ay isku dhacaan oo ay dhexdooda dagaallamaan, wuxuuna taasi bedelkeeda ugu baaqay in ay gacmaha is-qabsadaan oo ay u soo jeestaan sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse ayaa isna soo dhaweeyay bixitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo farta ku fiiqay in laga wada shaqeeyay sidii ay Ciidamada Itoobiy uga bixi lahaayeen Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray Ismaaciil Macallin Muuse in guusha ku saabsan bixitaanka Ciidamada Itoobiya aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta, kaliyana  waxaa uu sheegay in guushaas Allaah looga mahadcelinayo.

Sidoo kalena, Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo kuwii Muqdisho horay ugu noolaa ee u barakacay deegaannada u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn ugu farxay bixitaanka Ciidamada Itoobiya, waxayna ugu baaqeen xoogagga Mujaahidiinta in aysan ku dagaallami gacan ku heynta meelaha ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

War la xiriira warkan:

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay fariimo ay ku lahaayeen Yaaqshiid iyo Huriwaa-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia