Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku noqday Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Isniin, February 23, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxaana kadib loo soo galbiyay dhinaca Xarunta Villa Somalia oo uu haatan ku sugan yahay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow, iyadoo sidoo kalena ay xubno ka ahaayeen howl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Intii la sugayay Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa hakad la geliyay dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo Xarunta Villa Somalia, waxaana hareeraha Wadadaas lagu arkayay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Waa Markii labaad oo uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu Muqdisho yimaado isagoo ah Madaxweyne Soomaaliyeed, wuxuuna imaatinkiisa ku soo aadayaa iyadoo uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo isna soo dhisay Xukuumad ka kooban 36 Wasaaradood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia