Xaflad lagu soo dhaweynayay Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka


Isniin, February 23, 2009(HOL): Waxaa habeenkii Sabtida ahaa ee bisha February 21, 2009-ka ka dhacay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareeykanka xaflad lagu soo dhoweeynaayo madaxweenaha Soomaaliyeed Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Raisal Wasaaraha xukuumadda Mr. Cumar Cabdirahid Cali Sharmarke, iyo dawladda midnimadda qaran.

Waxaa xafladdaas oo lagu qabtay hoteelka caanka ah ee Hilton Easton Town Center e maggaladda Columbus, Ohio ee cariga Mareykanka. Waxaa xafallddaa ka soo qeybgaly dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray aqoon yahan, culumaauddiin, waxgrad iyo xubnaha buslshada oo dhan.

Waxaa halkaasi laga akhriyey khudbado diini iyo wacyi gelin ah oo lagu ayidaayo dawladda midninada qaran ee dhowaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti oo ay soo jeediyeen mas'uuliyiin ka mid ah buslshada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio .

Dadweynihii isugu yimid oo aad u fara badnaa kaddib markii ay cuneen casho sharaf ay soo bandhigeen abaabulayaasha xafladda, ayaa waxay dhageysteen gabayo waddani ah oo lagu soo bandhigay afafka Soomaaliga iyi Ingriiska, heeso iyaguna waddani ah oo kor u qaaday xamaasadda dadweynihii ka soo qeyb galay. Dadweynihii ka soo qayb-galay waxa aay muujiyeen sida ay u daneynayaan in ay Somaaliya hesho dowlad nabad iyo xasilooni u keeni karta shacabka aadka u dhibaateeysan ee Soomaliyeed.

Dad badan oo xafladda aan ka soo qeyb galin ayaa waxay fursad u heleen in ay xafladda oo dhan si toos ah uga daawadaan, khudbooyinakana ka dhageeystaan shabakadda internetka ee www.bartamaha.com iyagoo guryahooda jooga.

Dadweeynihii ka soo qeyb galay xafladda ayaa wejigoodu ka muuqday farxad, reeynreeyn iyo rajo weyn ay ka leeyihiin dowladda cusub ee ay hoggaaminayaan Madaxweeyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raisal Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.






HOL
Columbus, Ohio