Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya iska hor-imaad maanta ka dhacay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho

Isniin, February 23, 2009(HOL): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo la sheegayo in dagaalkaas uu geystay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 10 ruux oo kale.

Dadka dhintay waxay isugu jireen dhinacyadii dagaallamay halka kuwa dhaawacmay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ay guryahooda ugu gashay rasaastii iyo madaafiicdii ay dhinacyada dagaallamay isku ridayeen.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu iska hor-imaadkaas geystay waxaa uu saameyn ku yeeshay Dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Ganacsiga inta u dhaxeysa Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay, halkaasi oo uu iska hor-imaadka xooggiisa ka dhacay.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo dhinaca maxkamadihii Islaamka ka socday ay weerar ku qaadeen Ciidamo iyana ka trisan Dowladda oo ka mid ahaa Dowladdii TFG-da, kuwaasi oo saaka nin ganacsade ah ku dilay nawaaxiga Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntiina, waxaa socda dadaallo xal loogu raadinayo iska hor-imaadkaas, waxaana dadaalladaas wada Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo ah Guddi uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia