Dhimasho iyo Dhaawac soo gaartay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan oo sii kordheysa

Isniin, February 23, 2009(HOL): Waxaa sii kordheysa dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo shalay lagu qaaday weerar loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin ah.

Sarkaal u hadlay Dowladda Burundi oo wakaaladda Wararka AFP kula hadlay magaalada Bujumbura ee ee Dalka Burundi ayaa sheegay in weerar lagu qaaday Ciidamadooda ku sugan  Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho uu geystay dhimashda 11 ruux iyo dhaawac 15 ruux oo kale.

“Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay lagu qaaday ciidamadeena wuxuu gaarayaa 11 dhimasho ah iyo 15 dhaawac ah”ayuu yiri Col. Adolphe Manirakiza oo intaas ku daray in ay jiraan ciidamo kale oo dhaawacyo halis ah qaba.

Col. Adolphe Manirakiza wuxuu intaas ku daray in Ciidamadaas dhaawacyada culus qaba loo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si halkaas loogu daweeyo, wuxuuna ka deyriyay xaaladda qaar ka mid ah ciidamadaas.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegtay weerarka is-miidaaminta ah ee lagu qaaday Ciidamada Amisom, wuxuuna sheegay in ay khasaare u geysteen Ciidamada Amisom ee ku sugan Xarunta Jaamacaddii Umadda.

Waxay ahayd markii labaad oo qarax lala beegsado Ciidamada AMISOM ee ku sugan Xarunta Jaamacaddii Umadda, waxayna ahayd sanadkii hore mar sidan oo kale loola beegsaday qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof naftiisa huray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia