Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay qanciyaan Beesha Sade

Isniin, February 23, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya in ay qanciyaan Beesha Sade oo sheegtay in ay ka soo horjeedo Dowladdaas.

Afhayeenka Dhaqanke ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo u warmayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaarihiisa looga fadhiyo in ay xaliyaan cabashooyinka ka imaanaya Beesha Sade.
 
“Beeshaas  wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore kama mid ahayn Beelaha shidada waday ee Xilalka Dowladnimo ku hardamayay, waxaana qabnaa in ay mudan yihiin in Dowladdan midnimada Qaran xilal fiican laga siiyo bacdamaa ay waayeen jagooyinka ugu sareeya”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in ay maqlayeen cabashooyin ka imaanayay Beesha Sade, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dadka u hadlay ay ku saxan yihiin in Dowladda laga siiyo qeybta ay leeyihiin ee beel ahaanta ugu soo hagaagtay.

“Annaga horay waan ula talinay madaxweynaha, hadana haddii uu yimaado waa la kulmi doonnaa, waxaana siin doonnaa wixii talo ah oo aan isleedahay wax waa lagu wanaajin karaa”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia