Isniin, February 23, 2009(HOL): Maamulka Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa wada dadaallo lagu sii deynayo nin u dhashay dalka Pakistan, kaasi oo maalintii shalay ahayd lagu af-duubtay degmada Laag oo ka tirsan gobolka bari.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DGPL Maxamed Siciid Jaqanaf oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamo faro badan loo diray buuraha tuulada Gal Gala halkaasoo la sheegay in ninkaasi lagu haysto maalintii labaad.
Maxamed Siciid Jaqanaf Taliye ku xigeenka Ciidanka Poliska DGPL ayaa intaasi ku daray in laga yaabo in dib uu xoriyaddiisa uu u helo ninka ajnabiga ah,isagoo ka gaabsaday in uu ka hadlo hadii ay jiraan wax madax furasho oo ay dalbadeen kooxaha wax afduubtay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Faroole ayaa isna sheegay in la garanayo dadka afduubka geystay,waxaana xiligii uu afduubka dhacayay la socday ajnabiga nin Soomaali ah oo u dhashay degmada Boosaaso
Ugu danbayntii kooxaha afduubtay ninkaasi ajnabiga ah ayaa laga sugayaa waqtiyada soo socda in ay soo sii daayaan ninkaas xili afduubkaasi ay cambaareeyeen hayadaha samafalka ee ka hawl gala DGPL.
Faysal Maxamed Xasan(Boston ), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia
Maamulka Degmada Boosaaso oo sheegay in Xoriyaddiisa u dib u heli doono Nin Ajnabi ah oo lagu af-duubtay Gobolka Bari
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku noqday Magaalada Muqdisho
- Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya iska hor-imaad maanta ka dhacay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho
- Iska hor-imaad goor dhaweyd ka bilowday inta u dhaxeysa Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay ee Magaalada Muqdisho
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay qanciyaan Beesha Sade
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Jibouti
- Dhimasho iyo Dhaawac soo gaartay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan oo sii kordheysa
- Xaflad lagu soo dhaweynayay Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka
- Dawlada Britain oo mar kale ka fiirsanaysa in ay Qaadka Joojiso iyo in kale