Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Jibouti

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya-Farxaan Cali Maxamuud
Isniin, February 23, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa shalay shirkoodii ugu horeeyay waxay ku yeesheen Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

Shirkaas oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen sidii ay Dowladda Midnimada Qaran iyo Madaxdeeda ay ugu guuri lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo sidii ay u bilaabi lahayd howsha hor-taalla.

Wasiirka Wafaafinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud ayaa shirkaas kadib warfidiyeennada u sheegay in shirka waxyaabaha looga hadlay ay ugu muhiimsanaayeen, in Dowladda ay dalka Soomaaliya ku noqonto, in 100ka maalmood ee ugu soo horeysa ay Xukuumadda ammaanka dalka xoogga saarto, in ay Dib u heshiisiinta sii waddo iyo  in tababarro loo helo shaqaalaha Wasaaradaha Dowladda iyo qodobo kale, wuxuuna intaas ku daray in qodobada qaarkood isla shalayba guddi loo saaray.

Farxaan Cali Maxamuud waxaa uu sheegay in Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ku noqonayaan Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu sheegay in ay ku shaqeyn doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isna sheegay in inta uusan dhamaanin todobaadkan ay dowladda Midnimada Qaran u wada guureyso Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Jibouti iyo shacabkeeda oo uu sheegay in ay si weyn u martigeliyeen Dowladda Midnimada Qaran iyo Madaxdeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia