Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ku eedeeyay Ciidamada Amisom in ay si bareer ah u xasuuqeen dad rayid ah

Cabirka Farta
Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey
Isniin, February 02, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa ku eedeeyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Wadada Makka Al-Mukarrama in ay si bareer ah u xasuuqeen Dad Rayid ah kadib markii qarax lala beegsaday galabta.

Guddoomiye ku xigeenka oo u Waramayay HOL  waxaa uu sheegay in Ciidamada Amisom ee Wadadaas ku sugan ay toogteen Dad gaaraya 39 ruux, ayna dhaawaceen dad kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo saarnaa gaari BL ah oo marayay Wadada Makka Al-Mukarrama, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay rasaastaas fureen kadib markii qarax lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom.

“Markii ay Ciidamada Amisom rasaasta ku furayeen dadka shacabka ah wadada waxay ahayd mid ciriiri ah, waxaana socday gaadiid BL ah oo ay dad badan saaran yihiin”ayuu yiri C/fataax Shaawey oo intaas ku daray in aysan u dul-qaadan doonin in ay Ciidamada Amisom xasuuqaan dadka rayidka ah.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo aan isna la xiriirnay, isla makraana wax ka weydiiyay eedeynta loo jeediyay Ciidamadooda oo ah in ay si bareer ah u xasuuqeen dad rayid ah ayaa wuxuu sheegay in uu qaldan yahay guddoomiye ku xigeenka, isla markaana isagoo aan goobta tegin la siiyay warbixin qaldan.

Bridgye Bo-huko waxaa uu intaas ku daray in qofkii arka dadka dhintay uu dareemi karo in aaney rasaas ku geeriyoon,  wuxuuna taasi ku macneeyay in aysan waxyeellada rasaasta iyo qaraxyada  isku mid ahayn.

Mar aan weydiinay khasaaraha  qaraxa lala beegsaday ka soo gaaray Ciidamadooda ayuu sheegay in uu hal askari ka dhaawacmay, sidoo kalena ay waxyeello aan xooganeyn ka soo gaartay gaarigii qaraxa lala beegsaday.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax is-maadin ah oo ka dhacay nawaaxiga gurigii shaqaalaha uu geystay dhimashada 14 ruux oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo la socday gaari BL ah, waxayna dadkaas geeriyoodeen kadib markii uu dhinacooda ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftiisa huray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia