Isniin, 2, Febaraayo, 2009 (HOL) Golaha Aqoonyahannada Goballka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne kadib war qoraal ah oo ay soo saareen waxaa ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha Aqoonyahannada Goballka Hiiraa Cusmaan Max'uud Cilmi (Caato) ayaa lagu sheegay in hogaanka cusub ee loo dhisay dalka Soomaaliya yahay mid qaadi kara Mas'uuliyadda loo dhiibay, waxaana qoraalku intaa ku daray in looga baahan yahay dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay gacan ka geystaan taaba-galinta howlaha culus ee sugaya Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dhinaca kale Qoraalka oo ahaa mid aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxaa lagu muujiyay qodobo ku wajahan Madaxweynaha cusub Shiikh Shariif Shiikh Axmed si markaas looga miro dhaliya howlaha culus ee horyaala marka la eego gudaha Dalka Soomaaliya kuwaas oo u dhignaa sidan:
1. In Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed Xoogga saaro sidii meel kaliya leysugu keeni lahaa dhamaan dhinacyadii ay mar isku Siyaasadda ahaayeen iyadoo loo marayo dariiqa saxda ah ee Nabada.
2. In mar walba laga fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal mar kale dhaca maadaama shacabka Soomaalidu horay uga daaleen dagaalo sokeeye.
3. In Madaxweynuhu u dhago furnaado talooyinka uga imanaya qeybaha Bulshada, sida Aqoonyahannka, Odayaasha Dhaqanka, Uraradda Bulshada rayidka, kuwaas oo dhamaatood qeyb ka qaadan kara habsami u socda howlaha Dowladda.
4. In Madaxweynuhu xoogga saaro Xubnaha uu u soo xulay Xukuumada cusub ee uu soo dhisayo in uusan u eegin koox iyo urur toona laakiin uu ka fiiriyo dhinaca kartada iyo Aqoonnta uu u leeyahay qofka Mas'uuliyada loo xilsaarayo.
Golaha Aqoonyannadu waxaa ay dhinaca kale ku booriyeen dhinacyada ka soo horjeeda hishiiskii Jabouti ee lagu soo dhisay Dowladda wadaagga ah in ay u tanaasulaan danta shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed mar haddii ay gudaha dalka isaga baxeen Ciidamadii Dowladda Itoobiya.
Ugu danbeytii, Golahu waxaa uu ugu baaqay dhamaan Xubanaha ku jira baarlamaanka la ballaariyay ee Dowladda cusub in ay u soo guuraan gudaha dalka si loo sii amba qaado howlaha horyaala Dowladda cusub oo ah mid heysta waqti kooban.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia