Waa Nin Ceynkee ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya?

Cabirka Farta
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya-Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Isniin, February 02, 2009(HOL): 31-kii bishii hore ee December waxaa doorasho ka dhacday dalka Jibouti loogu tartamayay madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana doorashadaas oo ay isu soo taageen 11 musharax ugu dambeyntii ku guuleystay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo haatan ah madaxweynaha Soomaaliya. Hadaba waxaa is-weydiin leh madaxweynaha cusub waa nin ceynkee ah?.

Taariikhdii Sh. Shariif

Magaca:- Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sh. Maxamuud.

Wuxuu ku dhashay:- Degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada Dhexe sannaddii 1966-kii.

Bilowga Waxbarashadiisa:- Wuxuu Qur'aanka xafidey isagoo ay da'diisu ahayd 9-jir.

1988:- Dugsiga sare ee Sh. Suufi ayuu dhameeyay.

1993:- Wuxuu wabarasho jaamacadeed u aadey dalka Suudaan jaamacadda kurdufaan, kulliyadda waxbarashada qeybta Juqraafiga.

1998:- Wuxuu ka dhameystirey marxaladda jaamacadda dalka Liibiya jaamacadda Maftuuxa kulliyadda Qaanuunka Isagoo ka qaatey shahaadadii Jaamacadda.

KU SOO LAABASHADII DALKA 

Sheekh shariif waxa uu dib ugu soo noqday dalka sanadkii 2000

2000:-  Waxa uu aasaasey Gole loogu magac daray xariirka guud ee dhallinyarada Soomaaliyeed

2001-2002:- Guddoomiyaha maxkamadda maamulka gobalka Sh.dhexe

2002-2004:- Waxa uu ka mid noqtay barayaasha dugsiga sare ee Jubba-Muqdisho

2003-2005:- Guddoomiyahii ugu horeeyay Golaha Jaamiciyiinta Soomaliyeed isagoa ahaa xubin firifrcoon oo ka mid aha bulshada rayidka.

2004-2006:- Aasaasihii iyo guddoomiyihii maxkamadda islaamiga ee SII-SII Muqdisho.

2006:- Waxa uu noqday gudoomiyahii Golaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee dalka gacanta ku hayay  lixdii bilood ee igu danbeysay September 2007: waxuu noqtay gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

2009:- Waxa uu isku soo taagay jagada Madaxweynaha Soomaaliya, si aqlabiyad leh ayuuna ugu guuleystay.

Isha Xogtan: Horn Afrik