Isniin, February 02, 2009(HOL): Labo ruux ayaa maanta lagu dilay magaalada Garowe ee Xarunta u ah Gobolka Nugaal, iyadoo dilka labadaas ruuxna ay ka dambeeyeen labo ruux oo kale oo rasaas ku furay gaari ay wateen labada ruux ee geeriyootay.
Labadii ruux ee dilka geystay ayaa waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo iyagoo ku sugnaa meel 10km u jirta magaalada Garowe, waxayna haatan ku xiran yihiin Xabsiga Magaalada Garowe.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa wuxuu maanta booqasho ku tegay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Gobolkaas oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Cusmaan Buux, iyadoo sidoo kalena uu soo dhaweynta ka qeybgalay madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde).
Ugu dambeyntiina, Madaxweyne Faroole ayaa marka uu dhameysto socdaalka uu ku joogo magaalada Qardho waxaa uu uga sii gudbi doonaa magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoo booqashooyinkiisanna ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee uu sameeyo tan iyo markii uu dhawaan la wareegay xilka madaxweynenimada Puntland.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia