Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in uu socdo qorshe wax looga qabanayo ammaanka Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed-Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Isniin, February 02, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qorshe lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, kaasi oo ay wadajir uga qeybqaadanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo kuwa Amisom.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay doonayaan in inta aysan madaxda dowladda dib dalka ugu soo laaban ay wax weyn ka qabtaan ammaanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas kulamo ka yeesheen saraakiil ka socotay seddexdaas dhinac.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu intaas ku daray in uu sidoo kale jiro qorshe lagu tababarayo Ciidamo Qaran oo Soomaaliya loo sameynayo, kuwaasi oo ka kala imaanaya dhinacyadii midoobay ee TFG-da iyo ARS-ta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay tababarkaas bixin doonaan Saraakiisha Ciidamada Amsiom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu intaas ku daray Jen. Cabdi Qeybdiid in 11ka bishan tababar loogu diri doono dalka Uganda ku dhawaad 80 Sarkaal, kuwaasi muddo lix todobaad ah tababar soo qaadan doona, kadibna ku soo noqon doona magaalada Muqdisho, iyagoo kadibna u sii faa’iideyn doona Ciidamada Dowladda ee la tababarayo.

Hadalka uu sii daayay Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo aan weli la isku darin Ciidamada Dowladdii TFGda, kuwa Isbaheysigii Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana kaliya haatan la hayaa natiijo ah in la mideeyay siyaasaddii labada dhinac, ayna madaxweyne soo doorteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia