Isniin, February 02, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu ku eedeeyay in uu is-hortaagay siyaaro ka dhici lahayd magaalada Marka, taasi oo lagu weyneynayay Shiikh Cali Maye oo ka mid ah Culumaa’udiinkii sida weyn uga soo qeyb-qaatay fidinta Diinta Islaamka.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan ayaa sheegay inay cambaareynayaan tallaabada uu maamulkaas qaaday, taasi oo uu sheegay in ay ku arkayaan mid looga soo horjeedo siyaarooyinka loo sameynayo culumaa’udiinka waa weyn ee Soomaaliya.
Shiikh Sayid Shiikh Aba Shiikh Maxamed Shiikh Cali Maye oo isna ka hadlay amarka ka soo gaaray maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in inkastoo amarkaas uu soo gaaray hadana ay celin waayeen dadkii siyaarada u soo aaday magaalada Marka, xuskii siyaaradana uu ku dhacay sidii loogu talagalay.
“Maamulka gobolka waa noo yeereen, waana noo sheegeen in aanan wax siyaaro ah dhigi karin, annagana waxaan u sheegnay in aanan awood u lahayn in aan celino dad badan oo siyaarada uga imaanaya gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Sayid oo sheegay in ay u ahayd markii ugu horeysay oo lagu soo rago amarka ah in aysan wax siyaaro ah dhigi karin.
Maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan magaalada Marka ayaa wuxuu hoos-tagaa dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo dhawaanahan ay is-hayeen Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, waxaana la xusuustaa in Xoogagga Al-Shabaab ay burburiyeen Qabriyo ay Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano ku aasnaayeen, kuwaasi oo ku yaalay Gobollada Shabeelaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia