Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya-C/llaahi Yuusuf Axmed
Isniin, February 02, 2009(HOL): Madaxweynihii hore  ee Soomalaiya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
 
C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu caawiyo Madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in howsha ugu horeysa ee miiska u saaran ay tahay sidii uu nabad iyo ammaan ugu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay intii uu socday kulan uu la qaatay Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax oo isna si diiran u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaana ballanqaaday in dowladdiisa ay taageero dhinac walba la garab-taagan tahay Soomaaliya.

Warkan oo lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ay ka wada hadleen arrimo kale oo ku saabsan xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu magangalyo siyaasadeed ka codsaday Dowladda Yemen, iyadoo Dowladda Yemen-na ay codsigiisaas ka jawaabtay, ayna siisay guri ay ku noolaadaan isaga iyo qoyskiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia