Duqii hore ee Muqdisho Maxamed Dheere, Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo Col. Xasan Dhicisow oo laga sii daayay xabsi ku yaala Itoobiya

Talaado, February 17, 2009(HOL): Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda waxaa uu uga warbixiyay xarig iyo xoriyad ka qaadis ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku hayeen muddo seddex maalmood ah.
 
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Soomaaliya ay isaga, Maxamed Dheere iyo Col. Xasan Dhicisow oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ay damceen in ay socdaalka dhinaca dhulka ah ku galaan Magaalada Addis Ababa,  kadibna ay meelo kale uga sii gudbaan, balse intii aysan gudaha u wada gelin Itoobiya ay qabteen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi  oo muddo seddex maalmood ah xabsi ku hayay.
 
Sababta loo xiray ayuu ku sheegay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan in ay ahayd mid u gaar ahayd Saraakiisha ku sugan Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasi oo uu sheegay in ay u raadsanayeen arrimo iyaga u gaar ah, bacdamaa ay ka soo baxeen gudaha Soomaaliya, ayna horay u soo macaamileen, wuxuuna taasi ku sii sababeeyay in saraakiishaas ay u hoggaansami waayay awaamiir ay soo siiyeen saraakiisha  ka sareysa ee Addis Ababa ku sugan, kuwaasi oo buu yiri amar ku  siiyay in ay na siiyaan.
 
“Ujeedada aan Addis Ababa ugu soconnay waxay ahayd in aan ka sii aadno magaalooyin kale oo dalalka deriska ah sida Kenya iyo Jibouti, balse intii aanan gaarin Addis Ababa ayay na qabteen Ciidamo Itoobiyaan ah”ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.

Duqii hore ee Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Col. Xasan Dhicisow ayaa Ciidamada Itoobiya intii ay Muqdisho ka bixin Muqdisho waxay ka qabteen guri ku yaala KM4, kadibna waxay u wareejiyeen xero ay Ciidamadooda ku lahaayeen Magaalada Baydhabo, taasi oo ay ka sii daayeen intii aysan halkaas ka guurin.
 
Ugu dambeyntiina, Xldhibaanka waxaa uu sheegay intii ay xirnaayeen ay u gurmadeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Danjire Saciid Yuusuf Nuur iyo Qunsulka Soomaaliya ee Itoobiya Jabriil Maxamed Shiikh Cusmaan, wuxuuna uga mahadceliyay dadaalka ay u galeen sii deyntooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia