Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM oo abaalmarino kala duwan guddoonsiisay Shaqaalaheeda


Talaado, February 17, 2009(HOL): Shirkadda ugu ballaadhan Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ee TELESOM ayaa xalay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku qabatay Xaflad-Sanadeed ay Shaqaalaheeda Waaxaha kala duwan ku guddoonsiinaysay abaal-marino, sidii ay u kala shaqo wacnaayeen.

Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socday Shirkadda TELESOM, Dawladda, Ururada Bulshada, Shaqaalaha Shirkadda iyo marti-sharaf kale ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ku bahoobeen ee SATO Mr.  Yuusuf Axmed Yaasiin, waxaanu Shirkadda TELESOM ku ammaanay hawlaha ay qabato, isaga oo u jeediyay in ay kordhiyaan adeegooda, isla markaana halkaa ka sii wadaan.

Guddoomiye-xigeenka Shirkadda TELESOM Maxamuud Xaaji Aadan Xayd oo hadal dheer halkaa ka jeediyay ayaa sheegay in Shirkadda TELESOM ay shaqaalaheeda u diyaarisay adeegyo kala duwan, isla markaana ay u fidiiyaan kaalmooyin dhaqaale. Sidoo kale waxa uu sheegay Eng. Maxamuud in Shirkaddoodu Dhaqaalaha waxbarashada ka bixiso Arday tiro badan oo dhigata Jaamacadaha Somaliland. waxaanu sheegay in Shirkaddoodu diyaar u tahay u adeegidda iyo raaligelinta Macaamiishooda iyo guud ahaan shacabka.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha TELESOM Cabdiqaadir Maxamed Saxal, waxaanu sheegay in Shirkadina horumar gaadhi karin ilaa ay hesho Shaqaale tiro iyo tayo leh. Waxaanu ka warbixiyay siyaabaha ay u xushaan Shaqaalaha ay sanadkii abaalmarinada siiyaan, isaga oo sheegay in guddi xusho, isla markaana si caddaalad ah lagu saleeyo. Waxaanu tilmaamay in sanadkan ay abaalmarinta siinayaan 82 Shaqaale ah oo ka kooban waaxaha kala duwan ee Shirkaddooda. Abaal-marintaas oo isugu jirtay Shahaadooyin iyo Lacag.

Madaxa iibka iyo Suuq-geynta Shirkadda TELESOM Maxamed Isaaq Cilmi oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa ballan-qaaday in adeegyada Shirkaddu qabato ay sanadkan noqon doono kii ugu tayada sareeyay, isla markaana ay hore u sameeyeen qiimo-dhimistii ugu jabnayd.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Shaqada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Cabdikariim Cumar Odowaa, waxaanu sheegay in Xukuumaddu ay dhiirigelinayso Shirkadaha Isgaadhsiinta, gaar ahaan Shirkadda TELESOM.





Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland