![]() |
| Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin |
Inkasta oo aanu Madaxweyne shaacinin, isla markaana aanu ballan qaadin in Doorashooyinka Madaxtooyada ee la filayo in ay dhacaan bishan soo socotaa ay waqtigeeda ku qabsoomayso, haddana waxa uu ballan-qaad Siyaasadeed ku sheegay in uu Xilka si nabadgelyo ah uga degayo, isla markaana ay Doorashadu amni ku dhici doonto.
“Horta Anigu dhinacayga waxaan ka ballan qaadayaa in Doorashadu ay nabad u dhacdo, imika waxaynu galaynaabaan filayaa tii afraad oo saddex baynu ka soo gudubnay, kuwaas oo nabad inoogu dhacay, Insha Allahu ta dambena nabad bay ku dhici doontaa, nabad baanay ku dhammaan doontaa. Muran ka iman maayo halka aan joogo Anigu, haddii ay u dhacdo in ay cid kale hesho subaxaas ayaan tirinayaa oo aan si sharaf leh u tirin doonaa. Waxaan u rejaynayaa saaxiibadayda kalena (Axsaabta kale) in ay sidaas oo kale yeelaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayay Wershad cabbitaanka noocyadiisa kala duwan soo saaraysa oo laga furay Magaalada Hargeysa.
Mar uu M/weyne Rayaale ka hadlayay Doorashada ayaa hadallo duur-xul Siyaasadeed leh ugu macneeyay in ay tahay loollan, balse aanay ahayn dumin. “Bahashu (Doorashadu) waa loollan, laakiin maaha in waxa aynu samaysanay oo Doorashadu in ay wax inoo dhisto ayaynu u tartamaynaa ee uma tartamayno in ay wax inaga dumiso, Ilaahayna inaga dumin maayo ee wax baa inoogu dhismi doona.” Ayuu yidhi Rayaale.
Madaxweynuhu wuxuu halkaa ka sheegay oo kale hadallo u muuqday in uu ugu duur-xulayo weedhaha Xukuumaddiisa ka dhan ah ee ka soo yeedha Axsaabta Mucaaradka ah, isaga oo intaa raaciyay kelmado u muuq ekaa inay ka soo baxayaan Af kalsooni badan qaba. “Qofku Afkiisa isagaa leh, isaga ayaana leh inta uu ka sheegayo Afkiisa, laakiin ninkii aan u tudhin isaga ayaa ku dhib qaba. Waxaan leeyahay Somaliland waxay u baahan tahay hadal yar iyo hawl badan, in aan shaqayno oo dedaalno. Somaliland-nimadaas ayaynu wada leenahay, nabadda ayaynu wada leenahay, dalkaanu wada leenahay, Nin kastaa mid xil haya iyo mid kaleba in uu gaadh ka hayo ayaa loo baahan yahay oo aynu Gacanta is-qabsano,sidaas ayaa wax lagu gaadhayaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Intaa ka dib, Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dhawaaqay ballan-qaadyo Siyaasadeed oo aan la saadaalin karin siday u dhici doonaan, una ekaa mid uu kaga daba tegayay dhaliil loo soo jeediyay oo lagu dhaleeceeyay Xukuumaddiisa wax-qabad la’aan. Waxaanu sheegay in ay jirto Shirkad sahamin ku samaysay Shidaalka Somaliland ku duugan, dhawaanna ay soo bandhigi doonto. “Waxaan idiin sheegayaa beri dhawayto sahamin baanu dalka ka qaadnay dhinaca Shidaalka ah, hadallo badan baa meelahaa laga odhan jiray oo ah waxba lama qaadiniyo. Waxaan idiin sheegayaa Shirkaddii qaadday sahaminta Shidaalku inay 15-ka bisha soo saari doonto oo ay natiijo fiican ka soo baxdo Insha Allah markii ugu horraysay Somaliland heli doonto sahamin ay iyadu leedahay oo sheegaya Shidaalka dalku leeyahay, taasina waa dedaalka Xukuumadda. Wax badan baanay ka tari doontaa mustaqbalka waayo Shidaalka waynu soo iibsanaa, haddii uu Ilaahay ina siiyo dalkeena ayuu ka soo baxayaa, Shaqo iyo dhaqaalena waynu heli doonaa. Muruqeena iyo Maskaxdeenuna way inoo kaydsan yihiin oo in aynu isticmaalno wax inaga hor joogaa ma jiraan baan aaminsanahay, taa kalena Insha Allahu si degdeg ah ayay u iman doontaa, waxna uga soo bixi doonaan.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale.
Golaha Wakiillada ee Somaliland ayuu Md. Rayaale ugu baaqay in ay ansixiyaan Shuruucda Baananka. “Xildhibaannada waxaan odhan lahaa in Shuruucdii ay ansixiyaan si ay dalkan suurtogal u noqoto Bangigaa Faransiiska ah iyo kuwa kale oo waddani ahiba ay dalka uga hano qaadaan, si ay ugu sahlanaato Ganacsatadeenuna ay u hesho dhiirigelin iyo maalgelin.” Ayuu yidhi Md. Rayaale.
Barkhad M. Kaariye,Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.
