![]() |
| Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke |
Ra’iisal Wasaare Sharma-arke oo wax ku bartay Dalalka Soomaaliya iyo Canada, isla markaana ah wiil uu dhalay Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa todobaadkii hore waxaa ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya u soo xushay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Sharma-arke oo Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyay Dalalka Sierra Leone iyo Sudan iyo madaxweynaha Islaamiga ah ee Qunyar-socodka ah Shiikh Shariif ay labaduba rajeynayaan in ay wax ka bedelaan siyaasadda Soomaaliya, isla markaana abuuraan fursado ay ku samatabixinayaan dalka Soomaaliya oo afka ciidda la sii geleysa.
Laakin waxay labaduba caqabado waa weyn uga imaanayaan kooxo mucaarad ah oo uu ugu horeeyo Ururka Al-Shabaab oo sheegay in uu la dagaallamayo dowladda ay reer galbeedka taageerayaan, isla markaana ay doonayaan in ay ku soo rogaan dalka Soomaaliya ku dhaqanka shareecada Islaamka.
“Waxaan rabnaa in aan ogaano waxa ay ku doodayaan Al-Shabaab oo ay u rabaan in ay maanta dagaal u sii wadaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharma-arke oo sheegay in ay wada hadal ugu baaqayaan cid kasta oo dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda.
“Aniga uma maleynayo in Al-Shabaab ay qiil u helayaan in ay dagaallamaan, waxaan ugu baaqeynaa in fiiriyaan halka uu joogay dalka Soomaaliya 18kii sano ee la soo dhaafay”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in uu soo dhisi doono Xukuumad ka turjunta xaqiiqada maanta ka jirta Sooamaliya, wuxuuna caddeeyay in xukuumadda uu soo dhisayo ay wax ka qaban doonto arrimaha ammaanka, siyaasadda, dib u heshiisiinta iyo gargaarka Bani’aadannimada.
“Waxaan isku dayi doonnaa in aan dowladdan ka dhigno mid laga qeybgalo, waxaana ku casuumeynaa qof kasta iyo koox kasta oo aanan qeyb ka ahayn geedi socodka xalka loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharma-arke.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke waxaa uu sheegay in marka ay soo dhisaan Xukuumadda ay ka shaqeyn doonaan sidii ay maamulka dowladda u gaarsiin lahaayen Dalka oo dhan, ayna gacanta ugu dhigi lahaayeen ammaanka dalka oo ay ugu horeyso caasimadda Muqdisho, “Marka Soomaaliya dhibaatadan ka baxdo oo ay dowladnimadeedii soo ceshato, Soomaalida waa isu imaan doontaa, waxayna dib u qaabeysan doonaan Qarannimadoodii”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
