Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo seddex Shuruud ku xiray taageeridda Dowladda cusub ee Soomaaliya

Talaado, February 17, 2009(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda cusub ee Soomaaliya loo soo dhisay looga baahan yahay in ay ka soo baxdo seddex shuruudood si ay u hesho taageerada shacabka Soomaaliyeed.
 
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo shir jaraa’id ku qabay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay seddexdaas shuruud kala yihiin:

1- In ay Dalka ku xukunto Shareecada Islaamka
2- In ay Ciidamada Shisheeye dalka ka saarto, kuwo kalena aysan keenin
3- Iyo in ay xalka Soomaaliya u wajahdo wada hadal oo aysan u wajihin dagaal iyo awood adeegsi.
 
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas kadib baaq u diray dhinacyada hadda ka soo horjeeda Dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay ogolaadaan wada hadalka ay madaxda dowladda ku baaqayaan, isla markaana ay ka digtoonaadaan in ay dagaallo kale dalka ka ridaan.
 
“Dagaal midkii aan ku talagalnay waa dhamaaday, waxa hadda ay dadka u baahan yihiinna waa nabad, xitaa haddii loo baahdo in dagaallo kale la galo oo lagu qaado ciidamada shisheeye ee weli dalka ku sugan waxaa loo baahan yahay in arrintaas laga wada tashado”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
 
Hadalka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu caddeeyay in uu dalka Soomaaliya uu ku dhaqayo shareecada Islaamka, cid kasta oo dowladdiisa ka soo horjeedana uu wada hadal iyo nabad ugu baaqayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia