
Talaado, February 17, 2009(HOL): Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Hay'adda WFP islamarkaana qeyb ka ah Xubno ka socda Hay'addaha gar gaar oo maalmihii ugu danbeeyay si is daba joog ah u soo gaaray Goballka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa ay booqasho ku tageen Buudada Degmada Buula-burte.
Wafdiga oo uu horkacayay Eng. Gregg oo WFP u qaabilsan dhinaca dhismaha ayaa sidoo ayaa isaga iyo waliba Xubnihii la socday waxaa ay ku soo wareegeen dhamaan qeybaha Buundadu ka kooban tahay, gaar ahaan waxaa ay si gaar ah u soo eegeen meelaha ugu daran ee bur burku ka saameeyay.
Eng, Gergg waxaa uu sheegay in Warbixinta ku saabsan Buundada ay soo gaarsiiyeen Wafdi ka tirsan isla Hay'adda WFP oo dabayaaqadii bishii ina dhaaftay booqasho ku taga Goballka Hiiraan, isaga oo intaas raaciyay in socdaalkoodu yahay mid la xiriira bal in ay ogaadaan qaabka ugu haboon ee loo dayactiri karo.
"Waa muhiim dhismaha Buundada waayo waxaa tan kaliya ee isku xirta Goballada dhexe iyo Caasimada Muqdisho, waxeynu ku wargalinayay Maamulka Degmada in marka hore uu qiimeyn ku sameeyo gaadiidka sida sida Xamuulka ka hor inta aysan is ticmaalin marinka Buundada, waayo wixii hadda ka danbeeya ma xamili karto Tan aan Macquul aheyn'' ayuu yirir Eng. Gregg oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu soo laaban doonaan Goballka.
Guddoomiyaha Degmada Buula-burte ee Maamulka Islaamiga ah Shiikh Max'ed Barkhadle ayaa sheegay in ay qaadan doonaan talooyinka ay u soo jeediyeen Wafdiga, laakiin waxaa uu Guddoomiyuhu carrabka ku adkeeyay in Buundadu u baahan tahay dayactir deg deg ah.
Sidoo kale Eng. Cali Xaaji Shirwac oo Wafdiga ka raacay Magaalada Beledweyne ayaa ka codsaday dadka Degmada in ay xooga saaraan ilaalinta Buundada inta looga imanayo dhismaheeda, waxaana uu HOL u sheegay in dib u soo laabashada Wafdiga laga howlgali doono dhismaha Buundada.
Dadka ku dhaqan Degmada Buula-burte ayaa si weyn u soo dhaweeyay markii ay arkeen Wafdi Ajnabi ah ee idha idheynta ku sameynaya bur burka Buundada oo ah isha kaliya ee marinka u ah dadka ku dhaqan Degmada.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia