
Talaado, February 17, 2009(HOL): Ciyaartoy ka socota Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxay maalinta berri ah u amba bixi doonaan Dalalka Jibouti iyo Ethiopia oo ay uga qeybgelayaan tartamo ciyaaraha fudud ah oo ay ka qeybgelayaan Dalal ka socda Caalamka iyo mid u gaar ah Dalalka Bariga Afrika.
Wafdiga uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud u dirayo tartankaas ayaa waxaa uu ka kooban yahay Madaxa Wafdiga, Xubin Xiriirka ka socda, Macallin iyo 3 Ciyaartoy. Wafdiga ayaa marka ay tagaan Dalka Jibouti waxay geli doonaan diyaargarowgoodii ugu dambeeyay, si ay tartamadaas guulo uga keenaan.
Sida uu HOL u sheegay Faarax Cali Macallin oo ah Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud waxaa ku soo biiri doona ciyaartoyda Muqdisho ka tegeysa ee Jibouti u socota Ciyaaryahan kale oo Itoobiya ka imaan doona, kaasi oo la qorsheynayo in uu labada tartanba ka qeybgalo.
Wafdigan ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxaa sii sagootiyay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo madax kale oo ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud.
Guddoomiyaha GOS oo la dardaarmayay in Ciyaartoyda tartanka ka qeybgeleysa ayaa sheegay in ay karti muujiyaan, isla markaana ay guulo kula soo noqdaan dalka, isagoo weliba u sheegay Ciyaartoyda in ay ogaadaan in ay dalka Jibouti haatan ku sugan yihiin madaxda dowladda Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu xusay in ay la socon doonaan tartanka ay ka qeygelayaan.
C/qaadir Abkow, Guddoomiyaha GOS waxaa uu intaas ku daray in Ciyaartoyda tartanka ka qeybgeleysa looga fadhiyo in ay kaalimo muhiim ah ka galaan tartankaas, isla markaana ay sare u qaadaan magaca iyo sharafka Soomaaliyeed.
“Soomaaliya intii aysan burburin caalamka waa ay ka tilmaanneyd, waxayna ciyaartoyda Soomaaliyeed ahaayeen kuwo kaalimaha ugu horeeya gala ama kaalimaha lagu xisaabtamo gala, laakin hadda wax kasta sida ay u burbureen ayuu u burburay Isboortiga Soomaaliyeed, Allaah ayaanse ka rajeyneynaa in uu noo soo celiyo Qarannimadii iyo Nabaddii ay Soomaaliya lahayd”ayuu yiri Guddoomiyaha GOS C/qaadir Abkow.
Intaas kadib waxaa munaasabaddii ciyaartoyda lagu sagootinayay lagu soo bandhigay Dhar ay Shirkadaha Isgaarsiinta NationLink iyo Telcom ugu deeqeen Ciyaartoyda Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Tartamada u tegaya Jibouti iyo Ethiopia, waxaana dharkaas lagu wareejiyay Macallimiinta iyo Ciyaartoyda.
C/kariin Dilaxow iyo Khadiijo Aadan Daahir oo labaduba ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa waxay u mahadceliyeen Shirkadaha NationLink iyo Telcom, waxayna sheegeen in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay labada shirkadooda dhar ugu deeqaan Ciyaartoyda Xiririka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud.
Ugu dambeyntiina, Dharka ay labada shirkadood ugu deeqeen Ciyaartoyda tartanka ugu socota ayaa waxay yihiin isku joogyo noocyo kala duwan leh oo ay Ciyaartoyda ku jimicsan karaan, kuna tartami karaan, waxayna kaalmadaas ahayd mid uu si weyn u soo Dhaweeyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia