
Khamiis, 24 December 2009 (HOL)- Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, ayaa maanta Khudbad dheer ka hor jeediyay Mudanayaasha labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland oo wada jira. Waxaanu ku dheeraaday oo uu ka hadlay arrimo badan oo khuseeya qaska ka socda Koonfurta Soomaaliya iyo amniga Somaliland.
Faarax Macallin oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Baarlamaannka Kenya oo iyana maanta goob-joog ka ahaa fadhiga Baarlamaanka Somaliland, ayaa waxa halkaa ka hadlay Md. Faarax Macallin iyo Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Odayaasha ugu da’da wayn Baarlamaanka Somaliland.
Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya wuxuu Somaliland ku ammaanay arrimaha Amniga iyo horumarka dhinacyada Siyaasadda. Waxaanu sheegay in ay Dawlad ahaan ku taageerayaan. “Waxaanu idiin sidnaa hambalyo iyo farxad, inkastoo markaad gudaha ku jirtaan ee aad isu-muuqataan aydaan u malaynayn in hadalkiinu meel fog gaadhaynin, laakiin had iyo jeer Kubadda qofka dibedda ka jooga ayaa garan karaya sida loo ciyaarayo, markaa anaga ayaa dibedda idinka joognay oo idinku hambalyaynaya nabaddii aad muujiseen.” Ayuu yidhi Faarax Macallin. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddaanu reer Kenya nahay waxaanu idiin sheegaynaa in wax alla waxaanu idinku tari karno ee nabadgeliyadiina ama Dimuqraadiyaddiina lagu sugi karo aanu diyaar u nahay.”
Sidoo kale waxa uu Faarax ka hadlay arrimaha Soomaaliya ka taagan oo uu sheegay in ay tahay mid laga xishoodo, waxaanu tilmaamay in aanay Diin ahaan bannaanayn.
Mar uu Faarax ka hadlayay arrimaha Aqoonsi-raadinta Somaliland wuxuu sheegay in aanu isagu ka hadli karin, balse ay Dawladdiisu awood u leedahay. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in dhinacyada Koonfurta Soomaaliya isku haya ee Dawladda iyo Kooxaha ka horjeedaa aanay awood u lahayn in ay aqoonsadaan ama ay diidaan in Somaliland dal gaar ah loo aqoonsado. “Nimanka Xamar awood ma leh oo waxba ma hayaan, awoodna ma leh, xorriyadna ma leh ay wax ku sheegaan oo ay ku yidhaahdaan Somaliland ma go’I karto. Waayo, waxba ma hayaan.” Ayuu yidhi Faarax. Waxaanu ku dheeraaday Siyaasadda dawladdiisa ee Umadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, waxa isna halkaa ka hadlay X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Odayaasha ugu da’da wayn Baarlamaanka Somaliland oo da’diisu kor u dhaaftay 100-jir, waxaanu sharaxaad ka bixiyay habkii midowgii sanadkii 1960-kii dhex maray Koonfurta iyo Waqooyigii Soomaaliya oo uu sheegay in uu ka mid ahaa Guddidii ka talinaysay habka is-raaca.


Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland