Kalluumeysatada Gobolkan J/hoose oo ka Cabanaya Dabeylo Xoogan oo hakad Geliyay Howlahoodii Shaqo

Khamiis, December 24, 2009(HOL): Waxaa istaagay inta badan howlihii kalluumeysiga ee gobolkan j/hoose, kaddib markii dabeylo xooggan ay ku dhufteen xeebaha ku teedsan gobolkani j/hoose.
 
Dabeylahaan ayaa ah kuwo aad u xoogan islamarkaasina hakad geliyay howlihii kalluumeysi ee gobolkani j/hoose iyadoona ay adagtahay in ay socdaan doomaha nooca laashashka loo yaqaano iyo weliba kuwa kale ee yar yarka ah ee loo isticmaalo kalluumeysiga.

Qaar ka mid ah kalluumeystada gobolkan j/hoose ayaa HOL u sheegay  in howlahoodii jillaabashada ay joojiyeen, iyagoo cabsi weyn ka qaba inay doonyahoodu ku dhacaan badda dabeylaha socda awgood iyagoo sidoo kalena sheegay in ay joojiyeen gabi ahaanba safarradii ay ku aadi jireen jaziiradaha ku yaal gobolkani j/hoose.

Dabeylaha oo ah kuwo xowli ku socda, ayaa  hakad geliyay dhaqdhaqaaqii kalluumeysi ee ka jiray gobolkani j/hoose, waxaana shaqada kallumeysiga ah ay noloshoodu ku tiirsantahay boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan gobolkani J/hoose.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo ay dabeylo ka kacaan xeebaha gobolkani j/hoose, haseyeeshee Dhowr jeer oo hore ayay sheegeen kalluumeysatadu inay dhibaatooyin kala kulmeen dabeylo ku dhuftay xeebaha gobolkan j/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya