Khamiis, December 24, 2009(HOL): Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn ku soo rogay dowladda Eritrea iyadoo cunaqabateyntaas loo cuskaday eedeymo horay loo soo jeediyay oo ahaa in ay kaalmeyso kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
Go’aanka ka soo baxay golaha Ammaanka ee cunaqabateynta lagu saaray Eritrea ayaa waxaa markiisii hore soo diyaarisay dowladda Uganda, iyadoo golaha uu sheegay in Eritrea ay dhegaha ka fureysatay in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya iyo in xal laga gaaro muran-xuduudeedka u dhaxeeya Jibouti iyo Eritrea.
Cunaqabateynta lagu soo rogay Eritrea ayaa waxay si gaar ah u taabaneysaa madaxda dowladda iyadoo laga xayirayo safarrada iyo dhaqaalaha dibadda u yaalla, iyadoo aaney cunaqabateyntan saameyneynin dadka Eritrea.
Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka uu yahay mid guul ah, wuxuuna caddeeyay in Eritrea ay diiday in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya.
“Eritrea weli waxay sii waddaa taageerada ay siiso kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waa ay diiday in xal loo helo mushkiladda u dhaxeysa Eritrea iyo Jibouti”ayuu yiri Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo sheegay in weli ay Eritrea ay heysato fursad ah in ay ka joogsato dhibaatada ay ka waddo gobolka.
“Annaga ma rajeyneyno in cunaqabateynta la saarayo Eritrea ay saameyso shacabka Eritrea oo aan ka warqabno in ay dhibaato xooggan heysato oo xitaa ciyaartoydii Eritrea ay dalkooda ka soo carareen”ayuu hadalkiisa ku sii daray Danjire Cilmi Axmed Ducaale.
Sidoo kale waxaa cunaqabateynta la saaray Eritrea soo dhaweeyay Danjiraha Dowladda Jibouti u fadhiya Qaramada Rooble Colhaye, wuxuuna sheegay in dowladdiisa iyo dowladdaha caalamka ay ku faraxsan yihiin go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Waa markii ugu horreysay oo cunaqabateyn la saaro Eritrea tan iyo markii ay qaska ka bilowday dalalka Gobolka”ayuu yiri Danjire Rooble Colhaye oo sheegay in Eritrea ay diiday in ay u hoggaansanto xeerarka iyo shuruucda dalalka dunida u taalla.
Danjire Rooble Colhaye waxaa uu intaas ku daray in aysan Dowladda Eritrea ogoleyn in xal laga gaaro mushkiladda u dhaxeysa Jibouti iyo Eritrea, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay xitaa inkirsan tahay in dagaal dhexmaray Dowladaha Jibouti iyo Eritrea.
Laakin Danjiraha Dowladda Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay Araya Desta ayaa go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid ceeb ah oo sida uu yiri ay soo dhoodhoobeen dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalahood ah.
Danjiraha Eritrea ayaa sheegay in aysan weligood taageerin, taasi bedelkeedana jecel yihiin in Soomaaliya ay dowladnimadeedii soo ceshato, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed ka heshiiyaan colaadaha u dhaxeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya