Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo soo bandhigtay ciidamo kasoo goostay kooxaha kasoo horjeeda oo ku biiray Dowladda

Khamiis, December 24, 2009(HOL):  Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo bandhigtay Madaxtooyada Soomaaliya 3-nin oo ay sheegtay inay kasoo goosteen Ururka Xisbul Islaam, iyadoo sheegtay in dhallinyarada ay ka mid ahaayeen kuwii dowladda dagaalka kala horjeeday.

Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhoacadde) oo shir jaraa'id u qabtay saxaafadda ayaa sheegay in saddexdan wiil ay ahaayeen kuwo muddo badan u dagaalamayay kooxaha kasoo horjeeda Dowladda, balse ay haatan soo mareen dhanka dowladda.

"Ma jirto cid soo qasabtay iyaga ayaa iskood ugu yimid dowladda, kaddib markii ay u adkeysan waayeen cadaadis lagu hayay, innaguna xaq ayaan u leennahay inaan soo dhaweyno" ayuu yiri Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sheekh Yusuuf Indhocadde, wuxuu sheegay in wiilashan ay ahaayeen kuwo horay loogu sheegay in wixii aan iyaga ahayn ay yihiin Gaallo, balse ay ogaadeen muddo dheer kaddib in taasi ay ahayd mid la doonayay in madaxa looga qabsado.

Dhallinyada lasoo bandhigay ayaa waxaa agtooda yaallay hub, iyadoo mid ka mid ah oo saxaafadda la hadlay uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dhanka dowladda kusoo biiraan, ayna kasoo tagaan Ururka Xisbul Islaam oo ay ka tirsanaayeen.

Wasiir u dowlaha ayaa sheegay inay dhallinyaradan u yimaadeen dorraad-galab ayna wixii waqtigaas ka dambeeyay la joogeen, isagoo carrabka ku dhuftay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kasoo goosata dhinacyada kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya