Xukuumadda Eritrea iyo Ururka Xisbul Islaam oo siyaabo kala duwan u cambareeyay cunoqabteyntii Qarammmada Midoobay ay saartay Eritrea

Khamiis, December 24, 2009(HOL): Dalka Eritrea iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa cambaareeyay cunnoqabteyn ay Qarammada Midoobay kusoo rogtay xalay dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inay taageeraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya, sida Xarrakatul Al-shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Eritrea ayaa lagu sheegay in cunnoqateyntu ay tahay mid lagu wiiqayo horumarka iyo sharafka ay Eritrea gaartay muddadii yarayd ee ay dhisnayd, eedeymaha loo soo jeediyayna ay yihiin kuwo been ah.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa lagu xusay in Ethiopia ay mas'uul ka tahay cunnoqabteynta si ay danaheeda khaaska ah uga gaarto dalka Soomaaliya oo ay horay ugu sameysay faragelin ciidan, taasoo ay Qarammada Midoobay indhaha ka qarsatay.

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa shir aan caadi ahayn oo uu ku yeeshay xaruntiisa New York wuxuu kusoo rogay cunnoqabateyn saameynaysa madaxda dalkaas inay safarro dibadda ku aadaan sidoo kalena saameyn ku leh hubka ay soo iibsanayso.

"Eritrea waxay ka shaqeynaysaa danaha Soomaalida, mana doonayso inay caqabad ku noqoto, balse Ethiopia ayaa caqabad ku ah horumarka dalkaas, duniduna waxay ka qarsanaysaa indhaha" ayuu yiri Wasiirka wafaafinta ee Eritrea Cali Cabdow.

Dhanka kale, Ururka Xisbul Islaam ayaa ku eedeeyay inay indhaha ka qarsanayaan faragelin maalin iyo habeen ay Ethiopia iyo ku hayso Soomaaliya, ayna lasoo galayso hub iyo ciidan ay ku baabi'inayso dadka Soomaaliyeed.

"Dalka Eritrea waxaa lagu cunnoqabateeyay inay Soomaaliya geyso hub ayna taageerto kooxaha Islaamiyiinta ah, waxaana wax lala yaabo ah in Ethiopia oo ay ciidan iyo hub uga jiraan gudaha Soomaaliya lagu ammaan talaabbada ay qaaday" ayuu yiri xoghayahah wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Macallin Cali.

Ururka Xisbul Islaam ayaa noqonaysa kooxdii ugu horreysay oo ka hadasha cunno-qabteynta lagu soo rogay dalka Eritrea, iyadoo dalkaas uu sannadkan bartamihiisii ka yimid hoggaamiyahooda Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya