Ururka Xisbul Islaam oo maanta sheegay inay guuldarro ku dhammaadeen wadahadallo u socday iyaga iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Khamiis, December 24, 2009(HOL): Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha ka horjeeda Dowladda Soomaliya ayaa maanta sheegay inay burbureen wadahadallo kala dhexeeyay Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo la doonayay in lagu xalliyo khilaafkii ay ka dhasheen dagaallo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Xoghayaha wafaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max'ed Macallin Cali oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Muqdisho sheegay in dhowr qodob la isku qabtay, taasna ay keentay inay meesha ka baxaan wadahadallo lagu doonayay in xal looga gaari khilaaf u dhexeeyay labada urur.

"Madaxda sarsare ee Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa kulan ay yeesheen waxay si weyn uga hadleen sababta keentay in dagaalladii Jubbooyinka ay dhacaan, balse wuxuu shirkaas ku dhamaaday guuldarro" ayuu yiri Sheekh Max'ed Macallin Cali.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in qodobbo ay ka mid yihiin sidii la iskula shaqeyn lahaa la isku fahmi waayay, isagoo sheegay inaysan jirin wax ballan ah oo ay labada dhinac yeesheen si ay wadahadalladan loo sii wado.

"Ururka Xisbul Islaam waa looga awood roonaaday Gobolka Jubbada hoose, taasna macnaheedu ma ahan in gabi ahaan Gobolkaas aysan ciidamadeenu ku sugnayn, waa ku sugan yihiin ciidamadeenna weli, waxaana nasiibdarro ah inay dagaalladu sii socdaan" ayuu mar kale yiri Xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islaam.
 
Waa markii ugu horreysay oo Ururka Xisbul Islaam uu shaaciyo inuu burburay wadahadal kala dhexeeyay Xarraktul Al-shabaab si loo xalliyo khilaafkii sababay dagaalkii Kismaayo, inkastoo dhanka kale ee Al-shabaab aanay weli ka hadlin arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya