Dagaal Khasaare geystay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis, December 24, 2009(HOL): Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, isla markaana saacado socday ayaa wuxuu maanta gelinkii dambe ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Inta la ogyahay waxaa dagaalkan ku geeriyooday dad gaaraya 10 ruux, 25 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, iyadoo dhamaan dadkaas ay ahaayeen kuwo rayid ah oo guryahooda ay ugu tageen qaar ka mid ah madaafiicdii dagaalka la isugu adeegsanayay.

 

Dadka dhintay 7 ruux oo ka mid ah waxay ku dhinteen xaafado u dhow Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena kuwa dhaawacmay iyana waxay ku sugnaayeen nawaaxiga Suuqaas. Intii dagaalka socday ayaa waxay sidoo kale madaafiic ku dhacayeen  degmada Wardhiigley, Yaaqshiid, Dayniile iyo kuwo kale oo ka fog halka uu dagaalka ka socday.

 

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Caruus ayaa sheegay in ay galabta dagaal ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Isgoyska KK4 iyo Nawaaxiga Gurigii Shaqaalaha.

 

Maxamed Cusmaan Caruus wuxuu intaas ku daray in ay dagaalkii galabta ku dileen 3 askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom, hayeeshee waxaa warkaas beeniyay Afhayeenka Ciidamada Amisom  Major Bridgye Bohuko, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax askar oo laga dlay. Afhayeenka Amisom wuxuu sheegay in ay xaq u leeyihiin sida uu u yiri in ay iska difaacaan cid kasta oo soo weerarta.

 

Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa khaasaraha ugu badan wuxuu ka soo gaaraa dadka rayidka ah, iyadoo dagaallo ka dhacaya Caasimadda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 ay ku barakaceen dad aad u badan oo deganaa Magaalada Muqdisho.

 

Wixii khasaare ah ee ka soo kordha dagaalka maanta gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Muqdisho kula soco wararkeena dambe Insha Allaah

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya