Heesaaga Soomaaliyeed ee K’Naan oo socdaal ku jooga Magaalada Hargeysa

Arbaco, 16 December 2009 (HOL)- Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed, dhawaanna loo doortay furitaanka Heessta Koobka adduunka Mr. K’naan Warsame, ayaa socdaal ku yimi Hargeysa.

Mr. K’naan oo shalay soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ayaa inkasta oo aanay Warbaahinta u suurtogelin inay la kulmaan, haddana waxa Wararka socdaalkiisan la xidhiidhaa ay sheegayaan in uu dalka u yimi sidii uu Filim uga samayn lahaa Dhaqanka, Suugaanta iyo goobaha Taariikhiga ah ee Somaliland.

Fannaankan oo markii uu yimi la kulmay Abwaanno iyo aqoonyahanno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Boobe Yuusuf Ducaale, ayaanay cidi ka war qabin socdaalkiisa, isla markaana waxay shacabka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ku war heleen in uu dalka yimi.

Mr. K’naan oo ka mid ah Heesaaga Caalamiga ah ee dunida ka caanka ah, isla markaana dhawaan Ururka Kubbadda Cagta dunida ee FIFA u doortay Heesta furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee sanadka 210, ayaan la ogayn inta uu qaadan doono socdaalkiisani.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland