Dhalinyaro la gowracay oo meydkooda laga helay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Arbaco, 16, Dec, 2009 (HOL) Labo dhaliyaro ah oo la gowracay ayaa saakay waabarigii hore meydkooda lagu arkay agagaarka Saldhiga Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka degmada Yaaqshiid oo meydadkaasi arkay.
 
Labada ruux ee la dilay ayaa da'dooda lagu qiyaasay 40 Sano jir iyo 20 Sano jir waxaana ay dadka deegaanku sheegeen in ay u meleynayaan in labada dhaliyarada ah lagu dilay goob ka baxsan halka meydkooda lagu arkay maadaama aysan jirin radad muujinaya in dhaliyarada lagu dilay agagaarka Saldhiga Yaaqshiid.
 
Mas'uuliyiinta Ururka Xisbul-islaam ee gacanta ku haya goobta meydadka lagu arkay ayaan ka hadlin sida ay u arkaan dhacdadaasi, waxaana ay dadku sheegeen in markii danbe mid ka mid ah meydadka dhalinyarada ay qaateen dad sheegay in ay qaraabo yihiin.
 
Dadka ku dhaqan Degmada Yaaqshiid oo indhaha saakay ku kala qaaday meydadka dhalinyarada la gowracay ayaa siweyn arrintaas uga anfariiray, waxaana la arkayay dad koox koox uga sheekeysanaya dilka gowraca ah oo marka dhinac laga eego ah dil aan ku cusbeyn Magaalada Muqdisho waayo isla deegaankan iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay meydadka dad la gowracay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]