
Arbaco, 16, 2009 (HOL) Mas'uuliyiin iyo Xubno ka tirsan Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa kulan ay yeesheen kagaga wada Xaaladaha Siyaasada iyo Amaanka Goballka Hiiraan oo bilihii aynu soo dhaafnay ay ka jireen Dagaalo salka ku haya kala qeybsanaanta khilaafka ka dhax oogan kooxaha iska soo horjeeda ee ku dirirsan qeybo badan ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid ay goob joog ka ahaayeen inta badan Xubnaha Jaaliyadda Hiiraan ee ku dhaqan dalka Switzarland ayaa dhinacyadii ka hadlay waxaa siweyn ugu dheeraadeed dhibaatada dhinaca Amniga ah ee ka taagan Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayeen dilal is xig xigay oo loo geystay dad rayid oo ku jiraan Culima'udiin, waxaana ay ugu baaqeen kooxaha hadda gacanta ku haya Magaalada in ay joojiyaan falalka ka dhanka ah amaanka dadka aan waxba galabsan.
Sidoo kale intii uu socday kulanka ayeey Xubnaha ku jira Jaaliyadda waxaa siweyn uga doodeen sida ugu fudud ee Goballka looga samata bixin karo dhacdooyinka u gaarka sida dilka iyo hajabaahada loo jeedinayo dadka wax tarka u leh Bulshada oo ay ku jiraan Culimada, Saraakiisha iyo waliba Aqoonyannada, iyaga oo mar kale ugu baaqay dhinacyada ku hardamaya Siyaasada Goballka in ay gartaan mudnaanta ay lee yihiin shaqsiyaadka noocaa ah.

Waxaa sidoo kale kulankaasi Canbaareyn kulul looga soo jeediyay qaraxii dhawaan ka dhacay Hotelka Shaamow ee lagu dilay shaqsiyaadkii idhaha u ahaa Bulshada sida Wasiirada, Dhaqaatiirta, Suxufiyiinta, iyo Ardeyda oo ah bulshada qeybaheeda ugu muhiimsan, waxaana ay codsadeen Dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii qaraxaasi ka danbeysan.
Ugu danbeytii kulanka ayaa lagu dhisay Guddi ama Mas'uuliyiin cusub oo ay Jaaliyaddu yeelaneyso kuwaa oo kala ah Eng, C/siis Axmed C/dulle Guddoomiyaha Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland, C/llaahi Jimcaalle ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaaliyadda, Duuliye Sare Nabadoon Axmed Shuuriye Guddoomiyaha Golaha dhaqanka, Nabadoon Axmed Muxumed Tifow Ku-xigeenka dhaqanka, Qasnaji C/kariin Diini, iyo Waliba Xubnaha Jaaliyadda ee oo kala ah Xuseen Xasan Xirey, C/rashiid Muxumed Nuur, Yuusuf Aadan Tooxow, Max'ed Keynaan Warsme, C/fitaax Qoryaale, iyo C/fitaax Max'ed Tifow, waxaana ay xubnaha Jaaliyaddu u mahad celiyeen Max'ed Xuseen Sabriye oo ahaa qaban qaabiyaha kulanka Jaaliyadda.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]