Arbaco, December 16, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa beeniyay warar maalmahan soo if-baxayay oo sheegayay in Xarakada Al-Shabaab ay burburisay Dhagax calaamad u ahaa xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha Degmada Dhoobley Shiikh Maxamed Xirsi ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, wuxuuna caddeeyay in aysan dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin, “Dowladda Kenya waxaan ugu baaqnay in ay derisnimada ilaaliso, haddii ay baaqaas maqli weyso oo ay dhankeena soo aaddana waxaanu qaadan doonnaa tallaabo”ayuu yiri Shiikh Maxamed Xirsi oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Dhanka kalena, Shiikh Maxamed Xirsi waxaa uu xaqiijiyay in ay cunista qaadka ay ka mamnuuceen degmada Dhoobley iyo deegaannada hoosyimaada, wuxuuna caddeeyay in cunista Qaadka uusan u wanaagsaneyn dadka Muslimka ah, isla markaana uu waqti iyo dhaqaale-ba ka qaado dadka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa waxay ciidamo badan geysay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay xarakada Al-Shabaab la wareegtay degmada Dhoobley oo u dhow xadka labada dal u dhaxeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya