Arbaco, December 16, 2009(HOL): Maalinta berri ah oo Khamiista waxaa ka furmi doona magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga shir ay leedahay Kooxda Xiriirka Caalamka ee Soomaaliya, iyadoo shirkaasna looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya.
Shirkan oo ah midkii 16aad ee ay kooxdan yeelato tan iyo markii la aas-aasay waxaa ka qeybgelaya dhamaanba ururrada iyo dalalka xubnaha ka ah, iyadoo si weynna loogu lafo-guri doono xaaladihii ugu dambeeyay dalka soomaaliya.
Waxyaabaha shirkan sida gaarka ah loogu soo qaadayo ayaa waxaa ka mid ah qorshe ay shirka horgeyn doonto dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, iyo weliba sidii gacan-looga siin lahaa dhaqdhaqaaqyo dib u heshiisiin ah oo ay ku howlan tahay.
Shirkan waxaa ka qeybgelaya Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, saacadaha soo socdana ku sii jeeda Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
15 shir oo midka berri furmaya ka horreeyay oo ay yeelatay kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ICG ayaan ilaa iyo haatan laga heynin wax natiijo ah, marka laga reebo in taageero afka ah looga fidiyo dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya