Arbaco. 16, Dec, 2009 (HOL) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyayba waday dhaq dhaqaaq u muuqda mid uu ku xoojinayo Amniga iyo habsami u socda howlaha Dowladda Soomaaliya islamarkaan marar badan ka soo hor muuqday qudbadana u jeediyay Galaha Wasiirada iyo Ciidamada Qaranka ayaa mar kale u jeediyay xubnaha ku jira Golaha Xukuumada erayo u muuqda kuwo uu madaxweyuhu ku dhiirgaliyo Xukuumada in ay sii anba qaado howlaheeda shaqo.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay Munaasabad lagu dhaarinayay Xubno cusub oo loo magacaabay Wasiiro ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah Mas'uuliyiinta Dowladdu aheyn kuwo hadda uun bilaawaday laakiin kooxaha ka soo hojeeda mudaba soo wadeen, waxaana uu intaa ku daray in weeraradaasi aheyn kuwo baajinaya howlaha loo hayo Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.
" Horay ayaa loo dilay Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo dad badan oo ree Beledweyne ah, waxaad la socotiin qaraxii sidoo kale ka dhacay Hotelka Shaamow ee lagu laayay dadka idhaha u ah Bulshada, Annaga Dowladd ahaan waxaan u qireynaa in Mas'uuliyiinta dhimatay oo idil Shuhaddo maadaama la dilay iyaga oo gudanaya howlo ay Umadda u hayeen, inta soo hartayna waxaa laga rabaa in ay shaqeeyaan” uu yiri Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale qudbadiisa ku weeraray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo ku tilamaamay ay yihiin kuwo dadka ku beer laxawsanaya magacyo Diimeed oo aan waxba ka jirin, waxaana uu intaa raaciyay in kooxahaasi baneystaan dhamaan wixii ay Diintu naga reetay.
''Bulshada Soomaaliyeed hadda waa ay ka dharagsan tahay dhaqamada kooxaha naga soo horjeeda, kadib markii ay arkeen falalka arxan darrada ah ee kooxahaasi ku kacayaan, waana dhab in hadda la soo dhaafay waqtigii dadka lagu qaldayay magacyada Diimeed, dadkuna iyaga ayaa hadda u u soo jeestay in ay iska bari yeelaan kooxaas” ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo baryahan wada dhaq dhaqaaq u muuqda mid ka duwan sidii hore ee lagu yaqiinay.
Tan iyo wixii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamow 3-dii bishan aynu ku jirno Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo dhamaan xubnaha ku jira Xukuumadu waxaa ay ahaayeen kuwo xoogga saaraya dhinaca Nabadgalyada, waxaana taa laga dheehan karaa qudbadaha ay jeediyaan Mas'uuliiyiinta Dowladda oo dhamaantood ah kuwo ku saleysan wax ka qabashada arrimaha Ammaanka.
C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
MAXDAXWEYNE SHIIKH SHARIIF : “Waa la soo dhaafay waqtigii dadka lagu qaldayay Magacyada Diimeed, Mas'uuliyiintii horay u dhimatayna waxaa u qireynaa in ay ahaayeen Shuhaddo”
More News
- Heesaaga Soomaaliyeed ee K’Naan oo socdaal ku jooga Magaalada Hargeysa
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarrakada Al-Shabaab ay diyaarinayso baabuur miinaysan oo ay ku weerareyso xuska Maalinta Booliiska
- Guddoomiyaha G/Bari ee Maamulka Puntland oo sheegay in dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda aan mas'uuliyadda amaan-xumo la saari karin
- Dhalinyaro la gowracay oo meydkooda laga helay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
- Xarakada Al-Shabaab oo beenisay ina y burburisay dhagax calaamad u ah xadka Soomaaliya iyo Kenya
- Kooxda Xiriirka Caalamka ee Soomaaliya oo berri uu shir uga furmayo Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga
- Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland oo kulan ay yeesheen kagaga wada hadlay Xaaladaha Siyaasada iyo Amniga Goballka Hiiraan (DAAWO SAWIRRO)