Arbaco, 16 December 2009 (HOL) Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Somalia Sheekh C/risaaq Max'ed Qaylow oo maanta u warramayay idaacadda Dowladda ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in Xarrakada Al-Shabaab ay diyaarinayso weerar loo adeegsanayo gaadiid miinaysan.
Sheekh C/risaaq ayaa sheegay in weerarkaas lala damacsan yahay in lagu carqaladeeyo xuska maalinta Booliiska Soomaaliyeed oo lagu wado inuu bishan 20-keeda ka dhaco Magaalada Muqdisho.
"Waxaan helnay xog rasmi ah oo sheegaysa in la doonayo in la weeraro xuska loo sameynayo aasaaskii Booliiska Somalia, taasoo lagu wado inay ka qaybgalaan madax sare oo ka tirsan Dowladda Somalia" ayuu yiri afhayeenka.
Baabuurka ayuu sheegay in uu noociisu yahay TOYOTA LAND CRUISER wuxuuna caddeeyay in walxaha qarxa laga buuxiyay uuna yaallo xaafad ka mid ah kuwa Muqdisho, lana doonayo in maalintaas lagu weeraro xafladda si loogu waxyeeleeyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
"Weerarkan wuxuu daba-socdaa mid ka horrreeyay oo lagu dilay mas'uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda, arday, dhaqaatiirta iyo suxufiyiin kaga qaybgalayay Hotel Shaamow xaflad ay ku qalinjabineyaan arday bartay cilmiyo kala duwan kuwaasi oo ka baxay Jaamacadda Banaadir" ayuu mar kale yiri afhayeenka.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxday dhanka xoogagga hubeysan gaar ahaan Xarrakada Shaababul Mujaahidiin oo si gaar ah loogu eedeeyay inay damacsan tahay inay qorshahan fuliso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya