Dad Cudurka Shubanka ugu dhintay Magaalada Boosaaso

Isniin, August 31, 2009(HOL): Waxaa aad looga derinayaa xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadka ka soo barkacay konfurta Soomaaliya ee ku nool kaamka Buulo Eelaay ee magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Xaaladdan caafimaad darro ayaa la sheegayaa in ay u dhinteen ilaa 2 caruur ah oo uu haleelay cudurka shuban biyoodka iyo nabarro korkooda ka soo baxay, waxaana xanuunkan la ildaran inta laga warqabo ilaa 40 qof, sida ay sheegayso Faadumo Maxamed Nuur oo ka mid ah dadka deriska la ah Kaamka Buulo Eelaay.

Faadumo Maxamed Nuur  ayaa mar ay ka warramaysay xaaladda caafimaad ee kaamka Buulo Eelaay, waxa ay sheegtay in maalmahan ay soo badanayeen caruurta uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka oo ay qaar u dhinteen, taasoo ay ugu wacan tahay ayay tiri nafaqo darro, dhiigyari, cimillada oo aad u kulul iyo daryeela'aan soo wajahday.

Waxa ayna ugu baaqaday haya'adaha gargaarka ee ka howgala gobolka bari in ay wax u qabtaan dadkan tabaalaysan ee ay u weheliyaan dayacooda xanuunno  faro ba'an haatan ku haya,sida  shuban biyoodku iyo nabarro ka soo baxaya caruurta.

Cudurkan Shuban biyoodka ayaa ku soo beegmaya xili jawiga magaalada Boosaaso uu yahay mid aad u kulul oo lagu jiro wali xiligii xagaaga, markaas oo ay magaalada ka dhashaan cudurro faro badan oo uu ugu soo horreeyo shuban biyoodka, waaxaana xiligan oo kale lagu arkaa xarumaha caafimaadka magaalada caruur badan oo xanuunkan la ildaran.

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya