Ciidamada Itoobiya ee fariiska ku lahaa duleedka Gal-beedka Beledweyne oo halkaas isaga baxay

Isniin, August 31, 2009(HOL): Wararka laga helayo deegaanka lagu magacaabo (Burjada Ciinta) ee duleedka Gal-beedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaa ay isaga guureen Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo galay qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan.
 
Dadka ku dhaqan goobaha Ciidamadu isaga baxeen ayaa sheegay in ay arkayeen Ciidamada Dowladda Itoobiya isla markaana wata gaadiidka dagaalka oo ku sii jeeda dhinaca deegaannka Far-libaax oo ay ugu sii gudbayaan dhinaca dhulka Islaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmda Mustaxiil.
 
Laakiin warar kale oo soo baxay ayaa waxaa ay tixbaaxayaan in qeyb ka mid ah Ciidamada Itoobiya u dhaqaaqeen dhinaca Tuulada lagu magacaabo Buq-aqable oo ku dhaw degmada Buula-burte oo ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
 
Dhinaca kale waxaa maalintii labaad degan xaalada Xaafadda Howl-wadaag oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, waxaana dib u furmaya dhaqdhaqaaqi ganacsiga Xaafadda oo xirmay markii ay halkaas ka dhaceen rabshado lagu bililiqeystay qeybo ka mid ah ganacsigii Xaafadda Howl-wadaag ee Gal-beedka Magaalada Beledweyne.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]