Maamulka isalamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo Magacaabay Guddi loogu talo galay in ay zakada Uruuriyaan.

Isniin, August 31, 2009(HOL): Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu magacaabay guddi loogu talo galay in ay dadka ka aruuriyaan Zakaatul Fitriga oo iminka waqtigeedii uu foodda inagu soo hayo.

Guddigani ayaa waxa ay isugu jiraan ganacsatada gobolka iyo weliba xubno ka tirsan xafiiska arimaha Bulshada ee Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada kismaayo.

Sheekh C/raxmaan Cali Muudeeyo oo kamid ah ganacsatada Gobolkani j/hoose ayaa isagu waxa loo doortay in uu gudoomiye u noqdo gudigan zakada ka aruurinaya Dadka, waxaana uu sheegay isagoo la hadlayay Saxaafadda in ay gudan doonaan waajibaadka loo xilsaaray, islamarkaana ay si toos ah u gudo gali doonaan ka aruurinta dadka ee Zakaatul fidriga, waxaana uu ganacsatada iyo dhamaanba dadka dhaqaalaha haysta uu ugu baaqay in ay maalkooda ka bixiyaan zakada oo kamid ah 5ta tiir ee islaamka, si buu yiri ay daahir u noqdaan xoolaha Dadkaasi, isla markaasina loo helo dad xalaal cun ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale gudoomiyaha gudigaasi Sheikh C/raxmaan waxa uu sheegay; ka gadaal markii ay dadka ka aruuriyaan Zakada in ay ku wareejin doonaan Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo si ay hab Maamulan dadka Danyarta ah loo gaarsiiyo.

Sikastaba ha ahaatee arinkan ayaa waxa siweyn u soo dhaweeyay guud ahaan dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo gaar ahaan dadka ku nool Xeryaha Barabaxayaasha oo iyagu in badan rajo ka qaba in Zakadaasi ay wax uun ka soo gaari doonto.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya