Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo sheegay in Dekedda Muqdisho qaab qabiil loo maamulo iyo Maareeyaha Dekedda oo arrintaas jawaab ka bixiyay

Isniin, August 31, 2009(HOL):Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana qeyb beeleed gacanta ugu heyn jiray Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho qaab beeleed loo maamulo.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Dekedda oo uu ku wareejiyay Ra;iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed uu isna u dhiibay sida uu hadalka u dhigay dad ay qaraabo yihiin, haatanna dekedda ay maamulaan dadkii uu u dhiibay

Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay badbaadisay beesha uu ka soo jeedo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaabkii loogu talagalay oo ahaa mid dowladeed aanan haatan loogu shaqeynin.

“Cabasho arrintaas ku saabsan ayaa waxaan u gudbinnay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ilaa iyo haatanna wax jawaab ah kama helin cabashadaas”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo tan iyo markii ay maleeshiyaadkiisa wareejiyeen Dekedda aan warkiisa la maqlin.

Eedeynta ka soo yeertay Xildhibaan Furux ayaa waxaa jawaab ka bixiyay Maareeyaha Dekedda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow, wuxuuna sheegay in Xildhibaan Furux uu ku hadli karo wixii uu doono balse Dekedda ay tahay Deked Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in uu Dekedda ku joogo magacaabis mas’uuliyiin dowladeed balse uusan ku joogin qaab qabiil.

Maareeye Cabdi Jiinow waxaa uu intaas ku daray in Xildhibaan Furux iyo isagaba ay isku beel ka soo wada jeedaan marka la eego qaab qeybsiga awoodeed ee ay Dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay.

Eedeynta uu Xildhibaan Furux u jeediyay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmeysaa iyadoo haatan ay Dekedda Muqdisho ka socoto howl Dekedda lagu dayactirayo, Shirkad Qandaraas ka heystada Qaramada Midoobay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya